Taliyaha ciidanka Boliska Somaliyeed oo maanta socdaal ku tegey Magalada Beledweyne

0
38

boliskaWafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed General C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) oo maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa kormeeray xarunta saldhiga booliska ee magaalada b/weyne iyo xarunta maamulka gobolka.

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed General C/xakiim Daahir Saacid ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka hiiraan iyo saraakiisha ciidanka booliska ee gobolka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General C/xakiim Daahir Saacdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa ay ku wehliyaan guddi saraakiil oo ka tirsan ciidamada booliska iyo sarkaal ka tirsan Ciidamada booliska AMISOM, ayna qiimeeyn ku sameeynayeen dhinaca amniga,sida uu boolisku uga shaqeeyo gobolka.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in uu aad ugu farxay wax qabadka ciidamada AMISOM ee Hiil walaal ka socda dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti,isagoo sheegay in ay qabteen wax qabad muuqda.
Daafeet.Com