Banaan Bax looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ka dhacay Magalada Garbahaarey

0
31

bananbaxDad aad u tiro badan ayaa maanta waxaa ey isugu soo bexeen Magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo,kuwaasi oo ka sameynayey magalaada banax bax ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Magaalada Kismaayo.

Inta badan shacabka ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Dowladda Kenya,sidoo kalena ay sheegayeen inay Dowladda Kenya iska dhicinayaan hadii aysan joojin dhibaatooyinka ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ujeedka banaanbaxa uu yahay sidii shacabka reer Gedo ay umuujin lahaayeen dareenkooda ku aadan dagaalka Kenya ay kaga qeyb qaadatay Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya Magaalada Kismaayo ay ka geysteen xasuuq shacab taasina ay tahay arin aan loo dulqaadan karin,isaga oo sheegay in Kenya laga rabo inay Soomaaliya isaga baxdo.

Ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu eedeynayaa inay si weyn kaga qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Kismaayo oo ay la safteen ciidanka Raaskaambooni ee ku sugan Kismaayo.

 

Daafeet.Com