Abaanduulaha Ciidamada Dowlada ee Jubooyinka oo sheegey iney dib ugu laaban doonaan Magalada Kismanyo

0
23

K CabaasAbaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka Korneel Cabaas Axmed Gureey oo dhawaan xoriyadiisa dib u helay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan dib ugu noqoshada Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay Kismaayo inaysan ciidanka Dowladda kasoo saarin urur balse ay halkaasi ciidanka Dowladda kula dagaalameen Ciidanka Kenya sida uu yiri awoodna Magaalada looga soo saaray.

Mar uu soo hadal qaaday Ururka Raaskaambooni ayuu sheegay inuusan marnaba dalka Urur ka talin karin,maadaama dalka ay ka jirto Dowlad Soomaaliyeed.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayuu sacid u sheegay inay la safteen ciidanka Raaskaambooni ee Magaalada Kismaayo ku sugan,taasina aysan aheyn shaqadii dalka ay uyimaadeen.

Ciidanka Dowladda ee Magaalada Kismaayo joogay ayaa hada ku sugan duleedka Magaaladaasi,kadib markii ay isaga soo bexeen gudaha magaalada.

 
Daafeet.Com