Qarax ka dhacay Magalada Baydhaba oo geystey Dhimasho iyo Dhawac

0
29

qaraxQarax qasaare geystey ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in waxyaalaha qarxa lagu soo xirey gaari nooca qudaarta keeno Magaalada kaasi oo ku sugnaa halka loo yaqaan afar irdoodka Magaalada, Qaraxaasi ayaa lala beegsanayey Ciidamada Amisom ee ku suga Magalada Baydhabo

Waxaa kaloo lagu soo waramayaa in qaraxan uu geystey dhimasho iyo dhaawac inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey Hal qof waxaana ku dhaawacmey 3 Ruux.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka guud ee Magaalada Baydhabo,halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

 

Daafeet.Com