Dagaal aad u Culus oo Maalintii labaad ka socda Magalada Kismaanyo

0
63

kismaayoowDagaal culus ayaa lagu soo waramayaa in uu saaka dib uga billowday Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasoo dabo socda kii shalay magaaladaas ka dhacay.

Wararka naga soo gaarayo Kismaayo ayaa sheegayo in dagaalkan oo u dhexeeyo ciidamo taabacsan maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa daacad u ah Col. Barre Hiiraale oo garab ka helayo siyaasiyiin madaxweynayaal sheegtay uu haatan ka socda xaafadaha Farjano iyo Faanoole.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo la isku adeegsanayo hub waa weyn.

Afhayeenka maamulka Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in ay Kismaayo kula dagaallamayaan ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah sida uu hadalka u dhigay.
Daafeet.Com