Wariye ka tirsan Idaacada Radio Kismaanyo oo xaley lagu dhaawacay Kismaanyo

0
23

dilKoox hubeysan ayaa xalay ku dhaawacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose mid kamid ah weriyeyaasha magaaladaas ka howlgala.

Weriye Cabdiqaadir Cabdirisaaq Jiijiile oo ka tirsan Radio Kismaayo ayaa lagu dhaawacay xaafadda Farjano xilli uu ku sii jeeday gurigiisa.

Dad goob-joogayaal ah ay sheegay in saddex nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen, taasoo ka haleeshay wajiga.

Waa weerarkii ugu horreysay ee lala beegsado qof weriye ah tan iyo markii al-Shabaab magaalada lagala wareegay dabayaaqadii 2012.

Daafeet.Com