Kenya oo sheegtey in ey iska difaaci doonto weerarada kaga imanaya Alshabab

0
28

Kenyan_Army_in_SomaliaDowladda Kenya oo sheegtey in ay iska difaaci doonto weerarrada kaga yimaada kooxda al-Shabaab oo kordhisay weerarrada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya.

Xog-hayaha gaashaaandhigga Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in dalka uu diyaar u yahay in uu iska caabbiyo cid kasta oo ku soo xad-gudubta oo ay ku jirto maleeshiyada al-Shabaab, waxayna xustay in wasaaraddeedu uu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta madax-bannaanida iyo sharafta dhuleed ee dalka.

Omama ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada al-Shabaab si looga hor-tago weerarrada ay soo qaadayso.

Xog-hayaha difaaca Kenya oo hadalkan ka jeedisay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobey oo shalay ku beegneyd ayaa dhanka kale ammaantay ciidamada Kenya ee howlgallada nabad ilaalinta ka wada dalal ka tirsan caalamka.

Daafeet.Com