Dhageyso…Shirkii maamul u samaynta Jubooyinka oo lagu hungoobay

0
32

aqw-300x171Ayadoo ay maanta ku beegnayd maalintii loo madal balamay furitaanka shirweynihii maamulka la sheegay in loogu samaynaayo gobolada Jubada hoose,Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa muuqato in fashil uu ku dhamaaday isku daygaas islamarkaana shirkii uu maanta ka furmi waayay magaalada xeebta leh ee Kismaayo oo sida la sheegay isugu tagay dad la sheegay inay tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 200 oo ruux oona isagana kala yimid gobolka NFD ee ay Kenyanku gumaystaan iyo Gobolka Zone 5 ee dhulka Itoobiya.

Waji gabaxa soo foodsaaray kooxbeeleedkii isu soo bahaystay afduubista shacabka Jubooyinka ayaa maanta sidii la filayayba banaanka u soo baxay una muuqdeen inay maanta uun ku baraarugeen in dhul ayan lahayn ay maamul u samayn karin.

Hadaba shir jaraa’id oo galabnimadii shalay kooxdan boob kunoolka ahi ku qabteen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay ku sheegeen inuu shirkii baaqday ilaa mudo ayan cayimin taasi oo la micna ah inuu guud ahaanba burburay hamigoodii waalida ku dhisnaa ee ay ku doonayeen waxay qoriga ku waayeen inay qalin ku qaataan.

Guddoomiyaha gudi lagu sheego Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka oo lagu magacaabo Macalin Maxamed Ibraahin ayaa sheegay inuu shirka dib u dhacay kaddib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan sidoo kale ayaa halkaa waxaa ka hadlay Dhiig-yacab Cali Madoobe wuxuuna sheegay inuu cilado Farsamo oo ay ka mid tahay imaansho la’aanta Shirka ee Dowladda in dib u dhaca uu keenay.

Isku soo wada duub isbahaysiga denbiilayaasha beeshu borabogaankoodii iyo weliba jahwareerintii ay la maageen ummadda in maanta ay soo baxday iyaga iyo kuwii ay u adeegayeena ay maanta Ummadda Soomaaliyeed ay meel uga soo wadajeedo lagana difaaci doono hadafkooda waalida xunbaarsan.

Shirkii maamul u samaynta Jubooyinka oo lagu hungoobay halkan ka dhageyso

halmar