Doorashooyinka Dalka Jabuuti oo lagu dhawaaqey

0
33

djibouti-elections-votingNatiijadii hordhaca ahayd ee doorashada baarlamaaniga dalka Jabuuti ayaa 5:00 aroornimo ee saakay lagu dhawaaqay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane ayaa sheegay in xisbiyada talada haya ee UMP uu helay 49%, halka xisbiga ugu weyn USN 47.54% halka xisbiga CPU oo mucaarad ah uu isaguna helay saddexda soo hartay.

Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in doorashada ay u dhacday si xor ah oo cadaaladi ay ku jirto, balse mas’uul u hadlay xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa sheegay in doorashada la musuqmaasuqay.

Afhayeenka xisbiga USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) ayaa markii natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqay wuxuu wariyeyaasha ugu sheegay halkii looga dhawaaqay doorashada inaysan ku qanacsanayn natiijadaas, isagoo sheegay inay u joogeen goobaha codadka laga dhiibanayay goobjoogayaal u tirinayay codadka ayna hayaan warqadihii rasmiga ahaa ee cod-bixinta.

Mas’uulkan ayaan sheegin tallaabo ay qaadan doonaan, iyadoo lagu wado in laba maalmood kaddib si rasmi ah ugu dhawaaqaan golaha dastuuriga ah ee dalka Jabuuti oo loo gudbinayo codadka la tiriyay.

Daafeet.Com