Alshabab oo laga qabsadey Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jowhar

0
38

amisAlshabab ayaa lagala wareegey deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ayadoo goobaha lagala wareegey uu ka mid yahay Garoonka diyaaradaha ee degmada Jowhar.

Ma jiraan wax iska caabin ah oo ey kala kulmeen deeganka ciidamada dowlada oo kaashanaya ciidama Amisom.

Afhayeenka maamulka dowlada ee shabeelaha dhexe ayaa sheegey in alshabab ey iska carareen deegaano badan oo ku dhow degmada jowhar ayna hada ey gacanta ku hayaan ciidamada dowlada.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka shabeelaha dhexe Cali Cismaan ayaa isna sheegey qabsashada ey ciidamada dowlada qabsadeen garoonka uu wax weyn ka bedeli doono dhaqdhaqaaqa degmada.

 

Daafeet.Com