6 Xildhibaan oo ka socda dalka Burundi oo maanta soo gaarey Magalada Muqdisho

0
34

airporkaWaxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Burundi kuwaasi oo garoonka Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi ayaa waxaa hogaaminaaye Gudoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka dalka Burundi markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha waxa ay halkaasi kula hadleen warbaahinta iyaga oo sheegay inay aad uga faraxsan yihiin in Muqdisho ay maanta soo booqdaan.

Hakasimana Emilien oo ah Gudoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka dalka Burundi ayaa sheegay in dalka Burundi uu kamid yahay dalalka ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya islamarkaana Dowladda Soomaaliya caawiya.

Maxamed Axmed Kulan oo kamid ah Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo ka qeyb qaatay soo dhaweynta Xildhibaanadaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu kusoo dhaweeyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi.

Daafeet.Com