Golaha Amanka ee qaramada midoobey oo ka arinsan doona arimaha Somaliya Isbuuca soo socda

0
33

securityGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya iyo warbixin dhowaan ka soo baxday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki -Moon oo ka hadlaysay marxaladda dalka, doorka mustaqbalka UN-ka ee wadanka iyo isbeddelka cusub.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirka golaha la qabanayo toddobaadka soo socda.

Mahiga ayaa sheegay in goluhu ka arrinsan doono xaqiiqooyinka cusub ee Soomaaliya, xoojinta dedaallada xagga nabadda iyo in laga shaqeeyo in dhaqaalaha dowladdu ay hesho loo isticmaalo sidii loogu talagalay, iyadoo lagu taageerayo howlaha ay qabanayso.

Danjire Augustine Mahiga ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobey ay raadineyso istaraatiijiyad lagu adkaynayo nabadda Soomaaliya.

Daafeet.Com