Taliyaha Ciidanka Boliska oo sheegey in aan wax Kufsi ah loo geysan Luul Cali

0
26

sheekunaTaliyaha ciidanka booliska Jeneraal Shariif Sheekhunaa Maye oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa been-abuur iyo war aan sal iyo raad toonna lahayn ku tilmaamay sheegashada Luul Cali Xasan oo qaar ka tirsan warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha u sheegtay in la kufsaday.

Jeneraal Sheekhunaa ayaa sheegay in Luul laftigeeda ay booliska ka hor qiratay inaan kufsi loo gaysan, balse ay beenta u sheegtay keliya si ay u hesho xoogaa dhaqaale ah.

Taliyaha wuxuu intaas ku daray in dhaqtaraddii baaritaanka ku sameysay Luul ay sheegtay inaysan arkin calaamado muujinaya kufsi loo gaystay haweeneydaas.

Wuxuu ku eedeeyay weriyeyaal uu ka mid ah yahay weriye xiran oo lagu magacaabo Cabdicasiis Koronto iyo dad la shaqeeya qaar ka mid ah hay’adaha u dooda xuquuqda haweenka inay xoogaa lacag ah siiyeen Luul si ay u siiso xog aan sax ahayn.

Si kasataba waxaan daaha la saari karin in goobaha ey dowlada gacanta ku heyso uu ka jiro kufsibalsa waxaa muuqata si loo yareeyo in laga hadlo arimahaas in wariyeyaasha xabsi loo taxaabo taasoo wax u dhimi karta xaquuqda warbaahinta.

Halkan ka dhegayso Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay taliyaha Booliiska.

Daafeet.Com