Maxkamada ciidamada qalabka sida oo maanta fulisey xukun Dil ah

0
35

dilMaxkamadda ciidamada dowladda qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasoo ku kala eedeysnaa dil iyo kufsi.

Xukunkan dilka ah ayaa waxaa fuliyay ciidammo gaar ah, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Labada askari ee xukunka lagu fuliyay waxay kala yihiin: Jamaal Axmed C/qaadir oo 23 jir kana tirsanaa ciidanka booliiska, kaasoo sannadkii 2010 dilay nin lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Caddoow iyo Cabdi Cismaan Magan oo 32-jir ahaa kana tirsanaa ciidamada milateriga, kaasoo 10/09/2011 kufsaday Nuuro Caddoow Cali,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada wuxuu u digay askarta kale ee ciidamada inay ku kacaan falalkan oo kale, isagoo sheegay in askarigii lagu helo uu mudan doono xukunkan oo kale.

Ma ahan xukunkii ugu horreeyay oo ay maxkamadda ciidamada ku fuliso askar lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay, iyadoo sannadihii lasoo dhaafay sidan oo kale ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu fuliyay xukunno dil ah.

Daafeet.Com