Taliyaha nabad sugida oo ka hadley howlgalo xaley laga sameeyey Magalada Muqdisho

0
64

Khaliif-EregHowlgallo xalay ilaa iyo saaka ciidanka nabad-sugidda iyo kuwa booliska ay ka sameeyeen qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ey kusoo qabqabteen in ka badan 16 qof ayaa lagu xiray .

Taliyaha ciidanka nabad-sugidda Khaliif Axmed Ereg ayaa warbaahinta u sheegay in howlgallada ay ka dhaceen degmooyinka Xamar-weyne, Waaberi, Hodan iyo Dharkeynley lagu xiray dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal ammaan darro ah oo degmooyinkaasi dhacay.

Qaar ka mid ah dadka la xiray ayaa lagu eedeeyay in la qabtay ayagoo isbaarooyin dhigan raba qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ereg wuxuu kaloo sheegay in howgallada lagu soo qabtay lix qori oo AK-47 ah, labo bastooladood iyo labo baabuur oo ay wateen kooxo uu sheegay inay isbaarooyin dhigtaan.

Daafeet.Com