Xarakada Alshabab oo sheegtey in ey sii wadi doonto dagalada

0
103

alshababGuddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay howgallo kawadeen magaalada Muqdisho, isagoo xusay in weerarradaas ay ka mid ahaayeen madaafiic ay ku weerareen Villa Somalia, taasoo uu sheegay inay ka yaabiyeen dowladda iyo taageerayaasheeda.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan duqeynta ay la beegsanayaan xarunta madaxtooyada iyo weerarrada kale ee ay ka fulinayaan Muqdisho, isagoo intaas ku daray in dowladda iyo AMISOM ay ku fashilmeen inay sugaan ammaanka magaalada Muqdisho oo aan hadda la isku halleyn karin.

Hadalka mas’uulkan u hadlay Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay mas’uuliyiinta dowladdu sheegeen inay Muqdisho ka billaabeen howlgallo joogto ah oo lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo socon doona habeen iyo maalin.

Daafeet.Com