Qof rayid ah oo Caawa lagu Dhaawacay Baydhabo

0
31

bad-newsKoox hubaysan ayaa goordhow Caawa nin rayid ah ku dhaawacay magaalada Baydhabo Janaay ee Xarunta gobolada Koonfurta Soomaaliya xilli uu ku sugnaa iridka hore Masjid lagu Magacaabo Shariif Gacamay oo ku yaala Xaafada Isha.

Weriyaheena Baydhabo Maxamed Cade ayaa soo sheegaya in ninka la dhaawacay lagu magacaabo Xasan C/raxmaan Suuley oo ah farsame yaqaan.

Kooxihii falka dhaawaca geystay ayaa durba goobta ka baxsaday, iyadoo aan la ogeyn cid lagu soo qabtay baaritaanno ay ciidamada dowladda ka wadaan agagaarka halka uu ka dhacay falkaas.

Ma ahan markii ugu horeysay ee kooxaha nolol diidka ah ay dil ama dhaawac ugu geystaan qof rayid ah gudaha magaalada Baydhabo Janaay.

Daafeet.com