Ciidanka Dowlada iyo Xoogaga Alshabab oo xaley ku dagaalamey Degmada Qansax Dheere

0
38

dagalDagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay oo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Qansax-dheere ayaa xaqiijiyay in weerar ay kusoo qaadeen degmadaas xoogag taabacsan Al-shabaab, wuxuuna xusay inay iska difaaceen weerarkaas ayna kooxihii hubeysnaa dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay xalay weerar ku qaadeen degmada Qansax-dheere, balse ma aysan sheegin khasaare loogu geystay weerarka iyo mid ay iyagu geysteen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkii xalay ku dhexmaray degmada Qansax-dheere ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab, waxaana dagaalkan uu imaanayaa xilli ay shalay ciidamada dowladdu la wareegeen deeggaanka Ow-diinle oo ka tirsan gobolka Bay.

Daafeet.Com