Xildhibaanada Barlamanka oo maanta diidey iney ansixiyaan miisaaniyada ey dowladu ku shaqeyn doonto Sannadka 2013

0
26

barlamanXidhibaannada Baarlamaanka ayaa maanta diiday inay meel mariyaan miisaaniyada ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda ee 2013, taasoo uu baarlamaanku ka doodayay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Mudanayaasha baarlamaanka ee kulanka maanta soo xaadiray oo tiradoodu ahayd 163 xubnood ayaa waxay ka yeesheen miisaaniyadda doodo adag, iyadoo uu kulanka ka qaybgalay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo dhageysanayay doodaha xildhibaannada.

Inta badan mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxay dalabadeen in dib loogu laabto miisaaniyadda lana kordhiyo lacagaha la siinayo ciidamada dowladda ee ka horjeeda Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan difaacyada hore.

Doodda oo aad u kululeyd ayaa markii ay xildhibaanada hadlayay soo gabagabeeyaan hadalkood waxaa la geliyay cod, iyadoo ay diideen miisaaniyadda in la ansixiyo 70 xildhibaan, halka ay ogolaadeen 54 mudane.

Daafeet.Com