Howlgalo ey si wadjir ah u sameeyeen Ciidanka Boliiska iyo Amisom oo laga sameeyey Magalada Muqdisho

0
22

boliskaCiidamada booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta howgallo wadajir ah oo ay ku qabqabteen kooxo hubeysan ka sameeyay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxihii howgalka lagu qabtay la sheegay inay ku jireen rag ku labisan dharka ciidamada dowladda.

Howgalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hortagayo kooxo ku labisan dharka booliiska Soomaaliya oo gaadiidka ka qaata lacago baad ah iyo kuwo kale oo iyana dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah ku hayay shacabka ku nool degmadaas.

Kooxaha la qabqabtay ayaa waxay tiradoodu ka badnayd 20 ruux, waxaana intooda badan ay xirnaayeen dharka ciidamada, iyadoo tani ay farxad weyn gelisay dadka ku ganacsada goobahaas iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo ay kooxahaasi lacago ka qaadi jireen.

Howgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay si wadajir ah Muqdisho uga sameeyaan booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka howgala degmooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana howgalkan uu daba-socday midkii isbaarooyinka looga qaadayay Muqdisho.

Daafeet.Com