Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtey

0
24

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey magalada Muqdisho kadib safaro uu uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu garoonka Muqdisho kasoo dagay waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo uu saxaafada kula hadlay Madaxweynaha ayaa wuxu faah-faahin ka bixiyay safarkiisa dalalka Uganda iyo Kenya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in dhamaan masuuliyiinta ay kulanka soo wada qaateen ay kasoo wada hadleen arimaha dalka Soomaaliya ayna isku afgarteen in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo dallalkaasi.

Daafeet.Com