Doon kasoo ambabaxdey dalka Imaaraadka oo ku degtey xaabaha gobolka Bari

0
52

DoomanWararka ka imaanaya deeganada maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagtay doon u rarneed ganacsato Somaali ah taasi oo kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Sida u warbaahinta usheegay Wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka bada ee maamulka Puntland Eng. Maxamed Xaashi doonta ayaa ku dagtay xeebaha Gobalka bari.

Wuxuu sheegay in doonta laga leeyahay dalka Pakistaan ayna kasoo ambabaxday dalka isugu taga imaaraadka carabta kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Sababta doonta ay u dagtay ayuu sheegay inay tahay bada oo aad ukacsan xilli dabeylo laga digayo xeebaha Gobalka Bari islamarkaana wuxuu ganacsatada Somaaliyeed ugu baaqay in ilaa iyo beri aysan doon badda soo gelin.

Daafeet.Com