Xubnaha Barlamaanka oo maanta diidey in uu Prof Jawaari shir gudoonka noqdo

0
36

barlamanXildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa maantamarkii ugu horeysey isku deyey in ey ku dhaqmaan sharuucda dastuurka qaranka ayagoo ku qaadey qodob ka mid ah dastuurka in uusan gudoomiyaha barlamanka uusan shir gudoomin karin maadaama uu yahay sii hayaha xilka maddaxweynaha Dalka Somaliya.

Xildhibaan Cumar Islow ayaa sheegay in Pro Jawaari uu yahay sii hayaha xilka madaxweynaha qaranka taasna aysan u saamaxeyn inuu shir gudoominayo kalfadhiga barlamaanka.

Gudoomiye Pro Jawaari ayaa la hadlay xildhibaanada waxaana uu sheegay inuu ogol yahay sharcigaas qabtay, uuna shir gudoominayo kulanka kuxigeenkiisa koobaad Jeylaani.

Markaas ayuu Pro Jawaari isaga baxay kalfadhigii barlamaanka kadib markii uu qaatay qodobka qabtay ee sharciga barlamaanka kamidka ahaa.

Daafeet.Com