Maamulka Degmada Afgooye oo dib usoo celiyey Isbaaroyinkii Baar Ismaaciil

0
142

deg AfgooyeCiidamada dowladda ee maamulka gobolka Sh/hoose ayaa maanta dib u soo dhigay Isbaaradii Baar Ismaaciil ee degmada Afgooyee ee gobolkaasi.

Darawalada gawaariada ka dhaxshaqeeya Afgooye iyo Magaalada Muqdisho ayaa  xaqiijiyay in dib loo soo dhigay Isbaaradii Baar Ismaaciil halkaasi oo maanta laga bilabay lacagaha laga qaadayo gaadiidka wadaaasi isticmaalya.

Guddoomiyaha degmada Afgooyee ee gobolka Sh/hoose oo la hadlay qaar kamid ah Idaacaaddaha Muqdisho ayaa sheegay in dib loo soo dhigay Isbaaradii Baar Ismaaciil, waxaana uu intaasi ku daray in hadalkii Madaxweynaha ee Isbaarooyinka lagu qaaday uu san iyaga quseen.

Cabdulaahi Axmed Ibey ayaa tilmaamay in hadlkii Madaxweynaha ee ku saabsanaa Isbaarooyinka yaalay Magaalada Muqdisho islamarkaana cashuur joojintana ay iyana ku aadaneyd gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degamada Afgooye ayaa xusay in ay ka madaxbanaan yihiin hadalkii ka soo baxay madaxweynaha islamarkaana ay si rasmi ah u bilaabeen canshuur qaadista gobolka Sh/hoose.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka gudomiyaha ayaad waxaad moodaa in uu ka maddax banan yahay kan dowlada, kaasoo ka turjumayey dhibaatooyinka lagu hayo dadka isticmaala wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye dhibaatooyinkaas oo ey geysanayeen qaar ka mid ah ciidamada dowlada.

Daafeet.Com