Reysulwasaraha dalka Kenya oo lataliye u magacabey Somaliya

0
37

odingaRaysal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinka ayaa Ibrahim Ahmed Rashid waxa u magacaabay la taliye dhanka Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan dhibaatada sii socoto ee ka taagan gudaha magaalooyinka Kenya.

Lataliyahan cusub ee dowlada wadanka Kenya ay magacowday waxa uu noqon doonaa mid u dhaxeeya dowlada Kenya iyo Soomaaliya si markaasi uu kaga warbixiyo dhibaatada ka jirta gudaha Soomaaliya si markaasi labada dowladood isaga kaashadaan wax ka qabshadooda.

Shaqsigaan loo doortay ayaa waxaa la sheegay dhowr meel ka soo shaqeeyay islamarkaana aqoon buuxda uu u leeyahay magacaabistan jagadani.

Magacaabistan ayaa waxaa ey kusoo beegmeysaa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu booqosho ku jooga dalka Kenya, Halkaasina kulamo kula leh Mas’uuliyiinta dowlada iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Daafeet.Com