Maamulka Puntland oo kasoo furtey Markab MV Iceberg iyo shaqaalihiisa

0
198

markabCiidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa sheegay inay badbaadiyeen 22 la-haystayaal ajnebi ah oo lagu haystay markabka MV Iceberg 1 oo ku dhowaad saddex koox burcad badeed ah ay ku haysatay xeebaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo loogu talagalay saxaafadda oo ka soo baxay Puntland ayaa sheegay in ciidanka badda ee Puntland ay muddo labo toddobaad ah go’doomiyeen markabka, taasna ay soo dedejisay in ciidanka ay la wareegaan markabka iyo la-haystayaashii lagu dul haystay.

La-haystayaasha oo ay ka muuqdaan calaamado muujinaya jir-dil iyo caafimaad darro ayaa haatan daryeel isugu jira cunto iyo daawayn waxaa u fidinaya ciidanka maamulka Puntland, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhinaca kale, siddeed askari oo ka tirsan ciidanka Puntland oo mas’uul ka ahaa afduubka markab iyo shaqaalihii saarnaa ay dambi ku haysato Puntland ayaa la xiray kaddib markii maxkamadda milateriga Puntland ay xukuntay.

Daafeet.Com