Beelaha Digil iyo Mirifle oo Hambalyo iyo taageero buuxda u diraya dowlada federaalka

0
327

Ka dib markii ay si toos ah ay ugu wada xiriireen VIDIOO CONFERENCE Dhammaan Jaaliyadaha Beelaha DIGIL IYO MIRIFLE ee degaa Koonfurta Soomaaliya ee kala jooga Caalamka iyo Soomaaliya oo isugu jiray Siyaasiyiin Aqoonyahano, Culumaa’udiin,Haween ,Malaaqyada,Ugaasayada Imaamada ,iyo Urarada Bulshada dood dheer ka dib waxay si buuxda iskugu raaceen in Taagero Hiil iyo Hooba ay u fidiyaan Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,ee dhawantan ka curatay waddankeena Hooyo.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Amb; Mohammed Rashid H.Ali oo haatan ku sugan magaalada Minneapolis Minnesota ee cariga Maraykanka oo ay Gacan weeyna ka geeysteen Jaaliyadda DIGIL IYO MIRIFLE ee Waqooyiga Maraykanka ayaa si buuxda la isugu raacay in marka hore Habalyo, Boogaadin iyo Taageero ay halkan ay ugu soo gudbinayaan Dhammaan Madaxweeynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan (JAWARI). Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (SAACID) iyo Xubnaha Goleyaasha ee ay Dowladda ka kooban tahay sida Xubnaha Golaha Baaralmaanka , Golaha Wasiirada iyo Garsoorka

Sida oo kale Beelaha DIGIL MIRIFLE oo aan u kala harin waxay si buuxda u taageerayaan Xubnaha 10ka ah ee Golaha Wasiirada maanta la magacaabay oo aan u aragno inay yihiin kuwo si hagar la’aan ah u gudan karo waajibaadka loo loo xil saaray waayo tiro badan wax ma tarto ee waxaa wax tara tayo,waxaana Golaha Baarlamaanka weydiisanayna in ay siyaan Codka kalsoonida markii la hor keeno Golahan Wasiirada .

Waxaa kale oo aan si buuxda u taageeraynaa oo aan ku qanaca-sanahay Lababda Wasiir ee Beelaha DIGILI IYO MIRIFLE ku jira Xukuumadda oo kala ah Md.C/xakiim Xaaji Maxamuud (FAQI) Wasiirka Gaashandhigga iyo Md. Maxamuud Axmed Xasan (DALAB) Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo labaduba ah laba qofood qiiymo ,qaayo iyo qadarin ka mudan Beelaha DIGIL IYO MIRIFLE iyo Soomaalida iyo Caalamkuba

Gabo-gabadii waxaan Eebe ka baryayna inuu idinka garab galo shaqada ay Ummada Soomaaliyeed idinka sugayso Anaguna waxaan Balan qaadayna taageero hagar la’aan ah.

Wa Billaahi Towfiiq

Amb; Mohammed Rashid H.Ali

 

Daafeet.Com