Iska hor imad shaley gelinkii dambe ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn degmada shalanbood

0
28

Dagaal ayaa shaley gelinkii dambe ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Shalaanbood iyo Ceel-wareegow, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyaad Shabaab ah ay weerar ku qaadeen fariismo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen halka ay dirirtu ka dhacday.

Dagaalkan oo geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca ayaa inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 11 dhaawacana waxaa lagu qiyaasey 6 qofood dadka ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmeyba waxaa ey wada ahaayee kooxaha dirirtu u dhexeysey

Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada ay ka warheleen in al-Shabaab ay weerar ku soo tahay ciidamada, taasina ay sahashay inay ciidamada is-ka caabbin sameeyaan.

Daafeet.Com