Muslimiinta gudanaya waajibaadka Xajka oo maanta taagan Carafa

0
54

Muslimiin fara badan oo tiradoodu kor u dhaaftey illaa labo milyan iyo bar ayaa maanta taagan Carafa, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaala caalamka Islaamka si u gutaan waajibaadka Xajka.

Xajka ayaa ka mid ah shanta tiir ee asaaska u ah Islaamka ayaa sanad walba ka dhaca dalka Sacuudiga halkaasoo isugu taga malaayiin muslimiin ah oo kala yimaada caalamka islaamka.

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanad walba waxay balaayiin dolar ku bixisaa sidii ay qaaabka ugu wanaagsan ugu gudan lahayeen Xajka dadka faraha badan ee gudanaya waajibaadka diiniga ah ee xajka.

Kumanaan Ciidamo oo ammaanka ilaalinaya ayaa la dhigay goobaha waajibaadka xajka lagu gudanayo, iyadoo dowladda Sucuudiga ay walaac ka qabto inay rabashado la xiriira dagaalka Suuriya ay dhacaan inta lagu jiro gudasha Xajka ee sanadkan.

Daafeet.Com