2 ka mid ah ciidamo beeleedyada ku labisan dharka ciidamada dowlada oo maanta lagu diley degmada shalanbood

0
42

Warar eynu ka helney degmada shalanbood ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheeaya in halkaasi maanta lagu diley labo askari oo ka tirsan ciidanka dowlada labadan askari ayaa la sheegayaa in ey toogteen kooxo hubaysan.

Kooxaha dilka geestay ayaa waxay ku hubaysnaayeen Bastoolado, waxaana la sheegay markii ay dileen labadaan askari in ay halkaasi ka baxsadeen iyadoona aysan jirin cid daba gal ku samaysay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askarta la dilay ay saaka fadhiyeen meel maqaayad shaah laga cabo oo ku taalo Bartamaha Magaalada Shalaambood ee Gobalkaasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee dilalka iyo ugaarsiga lagu haayo ciidamo beeleedyada  ku labisan dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ey kusoo badanayaan dhamaan deegaanada gobolka shabeelaha hoose oo ey dhawaan lagala wareegtey ciidamada alshabab.

Daafeet.Com