Burcad badeed afduubtey markad kaluumeysi oo laga leeyahay dalka srilanka

0
203

Koox looga shakisan yahay inay yihiin Burcadbadeed Soomaali ah ayaa fuulay oo afduubtay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Sri Lanka, kaas oo ay la socdeen lix shaqaale ah.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah maraakiibta mara badweynta Hindiya, sida ay sheegeen ciidamada caalamiga ah badda.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Sri Lanka oo lagu magacaabo Gayan Wickramasuriya, ayaa sheegay in Markabka Lorenzo Putha–4 sabtidii laga qabsaday meel 840 mayl koonfur bari ka xigta Muqdisho.

Ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa loo weeciyay dhanka waqooyi ee gacanka cadmeed ee badda cas si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in burcad badeedda Soomaalida ay dib u soo nooleeyaan oo ka faa’ideystaan isbeddelka dhacay.