Gudoomiyaha cusub ee degmada walaweyn oo maanta markii ugu horeysay kulan la qaatey odayaasha dhaqanka

0
195

Warar eynu ka heleyno degmada walaweyn ayaa sheegaya in gudoomiyaha cusub ee degmada walaweyn Idiris maxamed nuur uu maanta markii ugu horey uu kulan la qaadey odayaasha dhaqanka degmada walaweyn.

Kulankaasi ayaa la sheegey in looga hadlayey sidii ay xasilooni waarta u heli lahaayeen bulshada ku dhaqan degmada walaweyn iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka soo noqnoqdey ee mar walba ka dhex jirta maamulka dhexdiisa.

Gudoomiyaha ayaa odayaasha uga waramay maalmihii uu degmada ku sugnaa waxa uu kala kulmay iyo halka ay inta badan dhibaatooyinka ka imanayaan waxaa kaloo uu odayaasha u sheegey in hankiisa ugu weyn uu yahay sidii degmada walaweyn u horumarin lahaa isla markaasina ay ula mid noqon laheyd degmooyinka waaweyn ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee qilaafaadka ku xeryaaman maamulka degmada ayaa ah kuwo inta salka ku haya dhaqaalaha yar ee laga soo ururiyo shaqacabka masaakiinta ah ee ka ganacsada degmada, kaasoo gudoomiye ku xigeenada maamulka intooda badan shaqsi walba uu isbaaro u dhigtey xuduuda ay degen yihiin reerkiisa.

Isku soo wada duub hanka uu leeyahay gudoomiyaha cusub ee uu ku doonayo inuu degmada ku hormariyo ma noqon doonaa mid u hirgasha maadaama dhaqaalaha yar ee kasoo xarooda canshuuraha laga ururiyo degmada ay kooxo badan jidadka u fadhiyaa koox walbina ay dooneyso in qeybteeda ay ka dhesho.