Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo ku baaqey somaliya iyo itoobiya in murankooda lagu dhameeyo wadahadal

0
111

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay Addis Ababa iyo Muqdisho inay furaan wada hadal ay ku xalinayaan murankooda ku saabsan heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ee dhaca Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni uu heshiis la galay Somaliland 1-dii January, heshiiskaas oo sheegaya inay bad ka hesho marinka badda Cas.

Hadalkiisa ayuu ku daray baaqyada ay hormuudka ka yihiin Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska badda ku tilmaantay fal gardaro ah oo ay Itoobiya qaadday.