Igad oo go,aan cad kasoo saartey kulankii looga hadlayey xiisada somaliya iyo itoobiya

0
109

Waxaa la soo gabagabeeyey gelinkii dambe ee maalintii shaley shir madaxeedkii Urur goboleedka IGAD, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed loogu hiiliyey Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee JFS.

Shir Madaxeedkaan oo deg deg ahaa wuxuu noqonayaa kii 42-aad ee Ururka Goboleedka IGAD, waxaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana laga soo saaray dhowr qodob oo xasaasi ah, waxaana ugu muhiimsan labo qodob oo kala ah:

1 – Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2 – Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir guddoomiyey kulankaan deg degga ah ee IGAD, waxaana ka soo qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dalalka kale ee IGAD.

Itoobiya ayaa markii la iclaamiyey shirkaan sheegtay in aysan ka qeyb geli karin, iyadoo soo jeedisay in dib loogu dhigay shirkaas, balse madaxda IGAD ayaa ku adkeysatay in la qabto shirkaas.

Xoghayaha guud ee IGAD oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, isla markaana soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana bayaanka soo baxay ku saxiixan xoghaya, taas oo Itoobiya ka dhigeysa mid wax ku leh go’aanka ka soo baxay IGAD.