Diyaarad ku dhacdey garoonka magalada ceelberde ee gobolka bakool

0
133

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta shil diyaaradeed oo khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Ceel-barde ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dhacday diyaarad sidday deeq gargaar ah oo ka baxday Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabaha garoonka, taas oo keentay inay shilka gasho.

Diyaaradda ayaa sidoo kale ka baxday gebi ahaan garoonka, waxayan dhex gashay guryo ka ag dhowaa oo ku yaalla halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duuliyaha diyaaradda uu geeriyooday, sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray caawiyihii diyaaradda oo isna goobta lagala cararay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxay shilkaasi diyaaradeed.