Qarax saaka ka dhacay magalada muqdisho

0
195

Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa saaka aroorninadii hore ka dhacay agagaarka Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu Soomaalida u taqaan Leylo Calaawi ayaa ku qarxay Isgoyska Ifka Xalane oo nawaaxigiisa ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Caasimadda ee loo yaqaano Boolis Milataare.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan gaariga loo adeegsaday ku geeriyooday 1 ruux waxaana ku dhaawacmay laba kale sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjooyaal ah.

Qaraxaan ayaa saameyn ku yeeshay mudo ku dhaw hal aaac dhamaan dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, hayeshee waxaa haatan wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in xaaladu ay caadi kusoo noqotay.