Gudoomiyaha baarlamaanka oo gabadhisa xil uu u magacaabey dad badanina ay ka hadleen

0
356

Maalintii Khamiista, waxaa golaha wasiirada ee Soomaaliya ansixiyeen xubnaha maamulka sare ee hay’adda istaraatiijiyadda Soomaaliya.

Hadaba arrintaan ayaa hadal hayn abuurtay kaddib markii la ogaaday in xubin kamid ah guddigaan ay ka mid tahay qoyska guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xabiibo Sheekh Aadan oo ah xubinta la hadal hayo ayaa ah gabar uu dhalay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska xukuumadda Soomaaliya.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay ku tagri falaan qaabqeysiga siyaasada masuuliyiinta ugu sareysa koonfur galbeed gaar ahaan kuwa qabta xilalka gudoonka baarlamaanka iyo kan maamulka koonfur galbeed, laba sano ka hor ayey eheyd kolkii maxamed mursal uu qiilkiisa geystey safaarada somaliya ku leedahay dalka koonfur africa.