Ciidamo kawada tirsan dowlada oo ku dagaalamay deegaan ka tirsan gobolka shabelaha dhexe

0
365

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo Xalay ku dhexmaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii ay kala shakiyeen laba ciidan oo ka wada tirsan Militariga Soomaaliya oo isaga horyimid wadada, kuwaas oo labada dhinacba midba midka kale u qaateen iney yihiim ciidamo ka tirsan Al-shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo ku sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka dhexmaray ciidanka ka wada tirsan dowladda Fedaraalka uu socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, islamarkaana ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya iney ku dhinteen in ka badan 10 askari oo ay ku jiraan saraakiil islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana Saraakiisha la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ka mid ah Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo hoggaaminaayay garab ka mid ah ciidamada kala shakiga ku dagaalamay.