Kooxo hubeysan oo gudoomiye ku xigeenka degmada awdheegle ku diley magalada muqdisho

0
212

Kooxo hubeysan ayaa Saakay ku dilay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose Faqay Cabdulle Mayoow.

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Awdheegle ayaa u geeriyooday dhowr xabadood oo ay dableyda hubeysneyd kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday kooxda fulisay dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fedaraalka oo dilka kadib gaaray goobta lagu dilay marxuumka ayaa halkaas ka qaaday meydka oo ay geeyeen xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah ehelada marxuumka dhintay ayaa beeniyay in Faqay Cabdulle uu ahaa masuul xil ka haayay degmada awgdheegle, waxayna warbaahinta u sheegeen inuusan aheyn gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle oo uu ahaa qof nabadoon ah.