Qaramada midoobey oo walaac ka muujiyey xaalada uu dalka galay

0
89

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xaaladda kacsan ee ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya taasoo u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo midowga Musharixiinta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo jimco ah.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharixiinta inay muujiyaan deganaan iyo is xakameyn isla markaasna dib loo furo wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.

Muqdisho waxaa ka taagan xaalad cakiran oo salka ku heysa doorashooyinka dib uga dhacay waqtiga dastuuriga ah, dibadbaxyada Midowga Musharixiinta ku baaqeen in ay ku qabanayaan Caasimadda.