Gudoomiyaha gobolka hiiraan oo ka hadley afduub ay geysanayaan ciidamada liyuu boolis

0
141

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay dhibaatooyin kala ka geystaan meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ay maalin walba dadka iska xirtaan, isla markaana Shacab aan waxba galabsan ka afduubteen inta u dhaxeysa degaannada Xudeey iyo Wagle.

Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan degmada Feerfeer ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka jawaabeyi doonaan dhibaatada Ciidamada liyuu Boolis ay xaduudka la geysanayaan.

Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada liyuu Boolis iyo dadka degaannadaas oo sheegay inay dhibaatooyin ku qabaan.