Kama quusanayno Somalia

0
152

Rajooyin badan oo #Somalia laga lahaa ayuu sawirkani kaliya dhaawac gaarsinaya.

Adigoo aaminsan qof kastana ka dhaadhicinaya in #Somalia ay ka mid tahay waddamada sida xowliga usoo kabanaya, safka horena ay kaga jirto dalalka mustaqbalka dhow horumaro badan samayn doono haddana wajigaaga kasoo muuqdo sawir noocani ahi oo 2020 caasimaddii dalkaaga looga qaaday maleeshiyo aan la ogayn cid ay ka amar qaataan waa niyad jab, damqasho iyo qalbi xanuun.

Waxaa kaliya dareemi kara sawir kani saamayntiisa qof aaminsanaa in #Somalia ay ku taagan tahay wadadii horumarka iyo guusha.

Waxaan ka codsanayaa musharixiinta dalka madaxtinamadiisa damaca ka leh sida Sharif Sheikh Ahmed Hassan Sheikh Mohamud Hassan Ali Khaire Abdirahman Abdishakur Warsame in ay xafidaan magaca iyo maqaamka dalka #Somalia ayagoo adeegsanaya doodo siyaasadeed, isku imaatin cilmiyaysan iyo seminaaro. Ciidan aan cidina ka amar qaadan oo caasimadda lagu dhex arko idinkoo xitaa laga yaabo inaadan waxba ka ogayn haddana uma fiicna diiwaankiina, magaciina iyo sharaftiinaba. Annagana in niyad ahaan noo disho oo rajo beel nagu rido naguna qasabto sii joogitaanka waddamo aanan ku qanacsanayn noloshiisa mooye wax kale kama faa’idayno xaqiiqdii.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo waxan leeyahay asigana; waxaad tahay madaxwaynahayagii oo Allah ayaa kuu qadaray kursigaasi ka dibna taageero shacab aan loo kala harin dal iyo dibad ayad ku timid. Marna macquul mahan inaad ku qanacdo qaabka ay wax uga socdaan waddanka iyo sidoo kale hanaanka siyaasadeed kaasoo u xuub siibtay maanta in sawirro noocani laga arko shaashadaha caalamka. Fadlan Madaxweyne, waddankani adigaa mas’uul ka ah oo wax kasta ka dhacaana wax lagaa waydiinaya ee danta #Somalia adigoo eegaya tanaasul badan muuji oo diiwaanka hakuu galo madaxwayne dalkiisa dartiisa wax badan uga tanaasulay. Maanta hadii dadkii shalay “#Farmaajo soo dhowaw” lahaa “#Farmajo ha dhaco” leh ma ahan runtii wax indhaha iyo dhagaha uroon.

Waxan kalsooni ku qabaa madaxwayne in wax kasto aad samaynayso iyo go’aan kasto aad qaadanayso aad u yeelayso #Somalia horumarkeeda kaliya LAAKIIN waxaa sidoo kale xaqiiqo ah in #Somalia ay ka dhaxayso in ka badan 15 million qofood oo kulligoodna kugu ra’yi noqon karin laakin adiga lagaa rabo inaad dadka isku wadid oo ka dhigtid dad is ogol, qof kasto tabasho qaba mise mad madow uga jira heerka dalka uu marayana adiga ayay mas’uuliyadaada tahay inaad ka qanciso una sharaxdo kana dhaadhiciso in ra’yigaaga iyo go’aankaaga uu yahay midka ugu macquulsan ee dalkani ku gaari karo horumar balaadhan.

Waxaa xaqiiq ah in Soomaalidoo dhan dal jacayl ku jiro kaliya ay ku kala duwan yihiin wadadii loo mari lahaa horumarka dalka.

Allow isku soo dumo qalbiyada siyaasiyiinta #Somalia iyo shacabkaba.

Mohamed Yonis Moalim