Muqdisho: Gabar yar oo ku sugan xaalad bani’aadannimo oo aad u adag

0
182

Imtiyaz Cabdiqaadir waa 5 jir ku nool xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, iyadoo la nool ayeeydeed dhanka hooyada oo indhaha la’ oo deggen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay labadeeda waalid ka carareen dalka intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2017-kii maadaama ay la kulmeen hanjabaad ku saabsan guurkooda oo aanan raalli leysaga aheyn.

Imtiyaz ayaa la sheegay in laga xiro gacmaha iyo lugaha, mararka qaar aanay helin cunno ku filan, sidoo kalena aad loo dayacay.

Maxamuud Axmed oo la hadlay warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegay in reerka gabadha yar hooyadeed ay kasoo horjeesteen guurka labada waalid oo lagu kala magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Aaden iyo Idil Cumar Axmed sababo la xiriira faquuq iyo midabtakoor ka dhan ah Cabdiqaadir oo la sheegay inuu kasoo jeedo qabiillada yar ee laga tira badan yahay.

Laakiin Cabdiqaadir iyo Idil ayaa ka dhega adeegay diidmada, kadibna isguursday iyagoo sidaasna ku dhalay Imtiyaz. Balse reerka Idil ayaa deyriyay gabadhooda iyagoo u sheegay inaysan kamid aheyn reerka maadaama ay nin ka raacday.

Tan iyo markaas waxey la kulmayeen labada waalid hanjabaad mararka qaar loosoo adeegsanayay maleeshiyo Al-Shabaab ka tirssn iyagoo loo sheegayay in aysan xalaal isku guursan sidaasna ay ku dhaleen Imtiyaz.

Cabdiqaadir Maxamed Aaden ayaa nafsaddiisa u baxsaday kadib hanjabaad dil ah oo loo soo jeediyay, halka Idil Cumar Axmed ay sidoo kale ka carartay dalka kadib markii qoyskeeda ay ugu hanjabeen inay dili doonaan maadaama ay ka raacday nin kasoo jeeda qabiillada la yaso, iyadoo sidaas uga carartay gabadheeda islamarkaana uga tagtay ayeydeed oo indhaha la’.

Dad deris la ah ayeeyada heysa gabadha ayaa Daafeet Media u sheegay in Imtiyaz ay la kulanto dhibaatooyin joogto ah inta badanna ay maqlaan oohinteeda maadaama inta leysku xiro gacanta iyo lugta kadibna lagu xiro geed oo ay usii dheertahay iyadoo aanan heli wax daryeel ah.

Ibraahim Haji
ibrahimnurhaji114@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya