ISBEDDALLADA GUUTOOYINKA MILATARIGA FADHIYA GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE JBM LAAKIIN!!

1
225

Gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakeysan Ee Maayland (JBM) ugu yaraan waxaa ka hawlgala 6 guuto, kolka laga reebo bilayska iyo daraawiishta, waxaana qormadan aynu ku ogaan doonaa guutooyinkaasi goobaha ay kala fadhiyaan iyo taliyayaashooda gobollada ay ka soo kala jeedaan jinsiyad ahaan Maay iyo Maxa.

Taliyaha Guutada 7-aad waa Cumar Xaaji Cabdiraxmaan darajada garbaha loo suray ay tahay gaashaanle dhexe ka soo jeeda Hirshabelle kuna beel ah taliyaha ciidamada xoogga federaalka Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, ama wasiir Isloow, waxaana Mudane Cumar Xaaji lagu baddalay Xasan Jaamici darajada loo dhiibay ay tahay gaashaanle sare ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado kana tirsan huwanta Salballaar Two.

Abaanduulaha guutada 7-aad waa Salaad Fiiqow darajada uu wato ay tahay gaashaanle dhexe ka soo jeeda Hirshabelle beesha xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Salballaar Two, waxaana Mudane Fiiqow booska looga qaaday Kornayl Cabdullaahi Dawlle oo u dhashay Maayland, gaar ahaan degmada Wanlawayn gobolka Shabellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakeysan Ee Maayland (JBM).

Guutada 7-aad hoos tagta Qaybta 60-Maad waxaa ay dhashu dhigatay inta u dhaxaysa min Afgooye ilaa deegmada Wanlawayn JBM, waxaana ay ka kooban tahay 3 ururo kala ah.

1.Ururka 54-aad wuxuu fadhiyaa Xerada Wasma-Xun garoonka Ballidoogle ilaa Shirey JBM, waxaa taliye ka ah Cabdalle Cali Mire darajada garbaha loo suray ay tahay gaashaanle dhexe una dhashay Galmudug, gaar ahaan degmada Dhuusamareeb qaraabo dhow ay yihiin Yuusuf Indhacadde oo ka tirsan Salballaar Two.

2.Ururka 35-aad wuxuu fadhiyaa Shirey ilaa Texsiile, waxaa taliye ka ah Maxamed Cabdulle Caraaye (Foor-Foor) ina Janaraal Gacmaduule darajada garbaha loo saarsaaray ay tahay gaashaanle dhexe ka soo jeeda Hirshabelle kuna beel ah taliyaha ciidamada xoogga federaalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

3.Ururka 64-aad waxaa uu fadhiyaa degmada Afgooye, waxaa taliye ka ah 2-xiddigle Halac oo hadda dhaawac ah kana soo jeeda degmada Ceelbuur, ama Reer shirkadda Albarakaat dheh, waxaana Halac oo ilmadeer dhow la ah Iimaan Elman booska uu fadhiyo looga baddalay Liibaan Madaxwayne darajadiisu tahay gaashaanle sare ku jufa ah janaraal Caydiid Salballaar Two qabina jiray isla Iimaan Elmanta laftirkeeda darajada la siiyay ay tahay gaashaanle dhexe.

Guutada 6-aad waxaa taliye ka ah Jeneraal Aadan Laba-Afle ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan degmada Dhuusamareeb kana tirsan Salballaar Two.

Abaanduulaha guutada 6-aad waa gaashaanle ka soo jeeda Hirshabelle kuna beel ah taliyaha ciidamada xoogga federaalka Soomaaliya jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ama wasiirka amniga federaalka Soomaaliya Mudane Islow.

Guutada 6-aad waxaa ay fadhidaa min Baraawe caasimadda maamulka Maayland ilaa Laanta-Buuro, waxaana ay ka kooban tahay 3 ururo kala ah.
Fiiro Gaara: Ururada qaarbaa leh (Signaal) magacyo dadban.

1.Ururka 18-aad waxaa uu fadhiyaa Laanta-Buuro JBM, waxaana taliye ka ah Liibaan Yuusuf Garre (Liibaan Dhamaaq) ama (Liibaan Goobaanle) darajada garbaha loogu taxay ay tahay gaashaanle dhexe ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan degmada Dhuusamareeb kana mid ah Salballaar Two.

2.Ururka fadhiya Shalan-Bood JBM, waxaa taliye ka ah Cabdi Salaad darajada garbaha loogu dhoobay ay tahay gaashaanle.

3.Ururka 25-aad waxaa uu fadhiyaa caasimadda Baraawe JBM, waxaana taliye ka ah Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale darajada uu wato ay tahay gaashaanle ka soo jeeda Galmudug kana tirsan Salballaar Two.

Guutada 14-ka Oktoobar oo ah midda ugu ururada badan fadhigeedu waa xerada Janaraal Gordon, balse haatan ayaa la qorshaynayaa in loo soo raro taliskeeda Baydhabo Two (Ex-Jannaale) JBM.

Taliyaha guutada 14-ka Oktoobar waa warsame darajadiisu tahay gaashaanle sare ka soo jeeda Jig-Jiga kuna beel ah Axmed Madoobe.

Abaanduulaha guutada 14-ka Oktoobar waa Cabdi Cali Raage darajada garbaha loo suray ay tahay gaashaanle dhowaan uu qaatay ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado kana mid ah Salballaar Two, waxaana Mudane Cabdi Cali Raage uu haysan jiray ururka jooga Bariire JBM.

1.Ururka Awdheegle JBM, waxaa taliye ka ah Maslax darajadiisu tahay gaashaanle ka soo jeeda Jig-Jiga kuna beel ah Axmed Madoobe.

2.Ururka 143-aad waxaa uu fadhiyaa Bariire, waxaa taliye ka ah Cali Cabdiraxmaan (Cali Afrax) darajada la siiyay ay tahay gaashaanle ka soo jeeda Hirshabelle kuna beel ah taliyaha ciidamada xoogga federaalka Soomaaliya jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ama wasiir Islow Salballaar Two.

3.Ururka Sabiid iyo Caanoole JBM, waxaa taliye ka ah 3-Xiddigle ka soo jeeda Hirshabelle kuna beel ah taliyaha ciidamada xoogga federaalka Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, ama wasiirka amniga federaalka Soomaaliya Mudane Islow Slballaar Two.

4.Ururka 2-aad waxaa uu fadhiyaa Baydhabo Two (Ex-Jannaale) JBM, waxaa taliye ka ah Cali Tigree darajadiisu ay tahay 3-Xiddigle ka soo jeeda degmada Caabud-Waaq kuna beel ah kaligii-taliye Farmaajo.

5.Ururka Marka fadhiya waxaa taliye ka ah Cismaan darajadiisu ay tahay Dhamme ka soo jeeda degmada Marka xarunta gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda barakeysan Ee Maayland (JBM).

6.Urur 1-aad waxaa uu fadhiyaa Baydhabo Two (Ex-Jannaale) JBM, waxaa taliye ka ah Maxamed Nuur oo darajadiisu ay tahay gaashaanle ka soo jeeda Maayland, waxaana kornayl Maxamed Nuur ku dhaggan taliyaha ciidamada xoogga jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo taataag ku wada, doonayana inuu xilka ka qaado Maaynimo darteed.

Guutada 1-aad hoos timaadda Qaybta 12-ka Abriil fadhigeedu yahay xerada Damaanyo magaalada Muqdisho JBM.
Taliyaha guutada 1-aad waa Xasan Jaamici oo darajada garbaha loo suray ay tahay gaashaanle sare ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado kana tirsan Salballaar Two, waxaana Mudane Xasan Jaamici uu ahaa taliyihii guutada 7-aad ee Qaybta 60-Maad fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakeysan Ee Maayland (JBM), iyado guutadan 1-aad ururadeedu ay fadhiyaan xerada Ceel-Siniin ee u dhow Lambar50 JBM.

Guutada Gorgor, ama Turk-Som fadhigeedu waa Xera-Nac-Nac Xalane agteeda ku taal Jasiira JBM.
Taliyaha guutada Gorgor waa Xasan Cadde darajada garbaha loo suray ay tahay gaashaanle ka soo jeeda Galmudug kana tirsan Slaballaar Two, waxaana guutadan ka jooga gobolka 2 urur.

1.Urur 1-aad waxaa taliye ka ah Sahiid Jareere darajadiisu ay tahay 3-Xiddigle ka soo jeeda degmada Caabud-Waaq kuna beel ah kaligii-taliye Farmaajo, waxaana Mudane Sahiid Jareere uu xoghayn u ahaan jiray abaanduulihii hore ciidanka xoogga federaalka Soomaaliya Jeneraal Caanood oo isna ka soo jeeda isla Caabud-Waaq kuna beel ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

2.Urur 3-aad waxaa taliye ka ah Xasan Cali Sanwayne darajadiisu ay tahay Dahmme kabtan buuxa u dhashay Maayland.

Guutada Danab fadhigeedu waa garoonka dayuuradaha Af-furugoow, ama Ballidoogle degmada Wanlawayn JBM.
Taliyaha guutada Danab Ballidoogle waa Ismaaciil darajada la siiyay ay tahay gaashaanle ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan dedmada Ceelbuur kuna beel ah raysal-wasaaraha federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Fiiro Gaara: Guutadan malaha wax abaanduul ah, waxaana goortaad aad u dabagasho aad ogaanaysaa in guutadani ay dhaxal boqortooyo ay qolo gaar ah u tahay mid ka mid ah Labada Kambani.

Ururka 4-aad Danab fadhigiisu yahay garoonka Ay-Furugoow, ama Ballidoogle degmada Wanlawayn JBM, waxaa taliye ka ah Maxamed saleebaan darajadiisu ay tahay 2-Xiddigle ka soo jeeda Puntland.

Faallo kooban: Ururka 4-aad Danab koow waxaa taliye looga dhigay Xasan Kumaandoos darajadiisu ay ahayd gaashaanle sare, haddase janan ah.

-Mudane Xasan Kumaandoos waxaa lagu baddalay oo ururka 4-aad Danab loo dhiibay Yacquub darajadiisu ahayd gaashaanle dhexe ka soo jeeda Puntland kuna beel ah Cabdiwali Gaas, haddase janan ah, waxaana islamarkiiba loo dhiibay hoggaanka maamulka lacagta xoogga wasaaradda gaashaandhigga dalka federaalka Soomaaliya.

-Mudane Yacquubna waxaa booskiisi lagu baddalay Axmed Danab darajada halmar loo bootiyay gaashaanle sare ka soo jeeda Puntland kuna beel ah Cabdiwali Gaas, waxaana Axmed Danab ay isqabteen Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo xiligaasi ahaa abaanduulaha ciidanka xoogga federaalka Soomaaliya, maxaa yeelay waqtigaasi dalku aanu lahayn taliyaha lugta iyo taliye ku-xigeenka xoogga, iyado taliyaha xoogga iyo abaanduulaha kali ah ay jagooyinkaasi kale isku hayeen.

Mudane Axmed Danab waxaa xilka ka xayuubiyay Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, wuxuuna kaga faa’idaystay taliyaha ciidamada xoogga federaalka Janaraal Daahir Aadan Indhaqarshe oo safar Masar ugu maqnaa, waxaana booskiisi lagu baddalay Jiniqaar oo darajada gaashaanlenimadu halmar la isu kor saaray ka soo jeeda Puntland, iyado Jiniqaar kolkii xilka laga qaadayna dhicii hantida qaran kadib, wax dambi ahna lagu qaadin, isla nin inadeerkii ah Puntland ka soo jeeda Danab urur 4-aad loo dhiibay kaasoo lagu magacaabo Maxamed Saleebaan darajadiisu ay tahay 2-Xiddigle.

Guutadan fadhida garoonka Ay-Furugoow, ama Ballidoogle waxaa laga dhex sameeyay waxaan seerjitada aan horay loogu arag xeerkeeduna ka mamnuuc yahay, taasoo ah “siyaasadda”, iyado laga dhex sameeyay xafiiska arrimaha bulshada degmada Wanlawayn iyo nawaaxigeeda JBM madaxna looga dhigay nin la yiraahdo Cabdijabaar darajadiisu tahay 2-Xiddig ka soo jeeda Hirshabelle kuna beel ah xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Salballaar Two, islamarkaana isla Cabdijabaar la fariisiyay xafiiska taliska guutada Danab, ahna madaxa tababarada ciidanka aaggaasi.

Ugu dambayntii, marka aan ka soo tagno isbaarooyinka qashinka oo kale u yaal min Siinka-Dheer ilaa xuduudaha kale gobolkan goboollada kale uu la wadaago, waxaa jira ciidamo bilays ah iyo Daraawiish gobolkani uu leeyahay ay taliyayaal ka yihiin dad aan deegaanka u dhallan boob iyo mooryaannimo ku jooga sida:-taliyaha saldhigga ciidanka Daraawiishta fadhiya degmada Afgooye JBM ninka lagu magacaabo Nuur Xayir oo ka soo jeeda Galmudug, gaar ahaan ku beel ah Janaraal Caydiid Salballaar Two iyo Cali Maykal oo ugu yaraan 200 ruux rayid reer Maayland ah ku dilay gobolkan, haatana u ordaya inuu taliyaha bilayska gobolka Shabeellaha-Hoose JBM uu noqdo, waxaana xusid mudan, in gobollada kale sida:-Galmudug, Puntland iyo Hirshabelle guutooyinka ciidamada fadhiya aanu hal sarkaal oo Maayland ka soo jeeda taliye unug xitaa ka ahayn, cagsiguna gobolkan SHabeellaha-Hoose iyo guud ahaan gobollada Maayland, xitaa dadkii u dhashay saraakiishooda laga ilaaliyay inay wax ka noqdaan mucjisada taagan dharaar iyo cawaba lagu gumaadayo magaca calanka buluugga qarannimada Soomaaliya oo sida xaqiiqda ah Villa Somalia ay u shidan tahay labada qolo teeriyo sanaddii 1960-kii la sheegay in xoriyadda la qaatay isaga dhaqlaysanaya gudaheeda, falaqsanayana hantida ummaddu wada leedahay, iyago ka samaysanaya wax Allaaliyo waxay doonayaan cid la xisaabtamaysaa aanay jirin marnaba, taasoo ka dhigan hadduu dhurwaa xaakim noqdo arigu xaqu uu yeelanayo inay tahay, in isagii uun la cuno.

Illeen way dudumiyaan ruuxii dabnahooda gala, dumar waan ka quustay, dabaday jiroow walaal qaali ah amar Alle laakiin!!

By:Adam Increase

1 COMMENT

  1. Sc.yaa isgasrey yaa ii sheegi karo wexey is dhaamaan Sakiin Jewarey Mursal nacalada garen ?????????????
    Walaaliyaal.DADKA YAAN LA QALDIN.
    DOON ABUURIDI DAA’INSHE MA’EEDOW.

    AABE REERKIISA aan u foofeynin RERKALE U FOOFYO MISAANKIISA WAA LA YAQAANAA .

Comments are closed.