Maxaadan Ogeyn oo Ka Socda Xerada uu Ka Arimiyo Cabdicasiis Lafta Gareen

0
124

Cabasho ka dhan ah dumarka ayaa ka soo yeereysa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xog-hoose oo ay heshay Daafeet Media ayaa sheegeysa in gabdho shaqo doon ah iyo kuwa danyar ah si joogto ah loogu faraxumeeyo xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed taasoo ah mid ay si aad uga caroodeen dadka deegaanka.

Qof si dhow ula socda arrimahan oo amnigiisa dartiis u qarinnay magaciisa ayaa Daafeet Media u sheegay in gabdhaha shaqo doonka ah xaruntaasi lagu ballamiyo kadib xilliyada shaqada oo galbihii ah, halkaasoo lagu faraxumeeyo baddelkii shaqaaleysiintooda loo eegi lahaa aqoontooda iyo khibraddooda.

Xogta ay heshay Daafeet Media ayaa intaasi ku dartay in masuuliyiin badan oo Koonfur Galbeed ka tirsan ay ku lug leeyihiin faraxumeynta iyo ka faa’ideysiga baahida gabdhaha yaryar ee shaqo doonka ah.

Daafeet Media ma helin xog rasmi ah oo ku saabsan in madaxeynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen uu ka warhayo faraxumenta gabdhaha yaryar loogu geysanayo madaxtooyada maamulkiisa.

Qof dumar ah oo aan la xiriirnay intii aan wadnay baaritaanka ayaa Daafeet Media u sheegtay in sidoo kale ciidammo Itoobiyaan ah oo deggen xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay gabdhaha faraxumeeyaan kuwaasoo ka faa’ideysanaya baahida gabdhaha yaryar, iyagoo adeegsanaya rag calooshood u shaqeystayaal
ah.

Waxaa nasiib darro in xaruntii looga talinayay Koonfur Galbeed ay noqoto meel lagu kufsado islamarkaana lagu iibiyo jirka gabdhaha masaakiinta ah ee shaqo doonka ah iyo kuwa danyarta ah.

Dadka degaanka ayaa markii hore ka cabanayay kufsi gabdhaha loogu geysanayay deegaannada hoostaga Koonfur Galbeed, balse waxaa lama filaan ku noqotay in faraxumeynta iyo dhibaateynta gabdhaha ay ka socoto xaruntii madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Waxaa socda qoraallo qabyo ah oo cabasho arrinkan ku saabsan loogu gudbinayo dowladda dhexe iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Shaley ayey eheyd kolkii wariye Mukhtaar ay xireen ciidamada maamulka Cabdicasiis Lafta gareen kadib kolkuu ka hadley kufsiga caadiga ka noqdey gobolka shabelaha hoose taasoo cadeyn u ah in maamulka gabdho la kufsadey uusan wax weyn u arkin maadaama howshaasi ay ka socodo gudaha xarunta uu ka arimiyo.

Daafeet Media