Kalmad Yar oo Ku Socoto Xildhibaanada Baydhabo Aaday

0
62

Xildhibaanada qaranka ee sharafta leh oo mar walbo u taagan danta degaankooda sida u doodidda in aan la siinin xaqa eey u leeyihiin tirada xildhibaanada baarlamaanada kala duwan ee heer maamul goboleed waxaan leeyahay jahwareerka waxaa lagu xalin karaa si kale.

Xildhibaanada heer Federaal waxay ka shaqeyn karaan oo aay dadaalo ka sameyn karaan sidii aay u sameyn lahaayeen sharciyo waxtar leh oo dhinacyada amaanka, tiro-koobka dadka iyo doorashooyinka ah si uu wadanka u gaaro doorasho qof iyo cod ah iyo la-xisaabtanka fulinta sharciyadaas.

Waxaad moodaa arrintaas, qof iyo cod (one man one vote), oo ah sida kaliya oo cadaaladda runta ah lagu gaari karo, in xildhibaanada aaysan ka sameyn dadaalkii dhinacooda uga aadanaa.

Waxaad heysateen fursad aad ku doorataan madax wax ka qabata in amaanka wadanka la sugo si dadka loo tiriyo oo aay u codeeyaan iyo in lagula xisaabtamo haddii aaysan ka soo bixin taas.

Waxaad kaloo heysateen fursad ah in aad kula xisaabtantaan madaxda sababta loo sameeyn weysan yahay Maxkamad Dastuuri ah oo la iskula xisaabtamo. Hadda weli waxaad heysataan fursad ah in aad dhinacaas u jeesataan oo arrimahaas wax ka qabataan halka aad uga mashquuleysaan gorgorton kursiyo baarlamaan iyo sheegasho tirooyin aan la xaqiijin karin, oo u muuqda kuwo runta aad uga fog.

Xildhibaanada fadlan howshiina guta, wadankaan dhibka ka taagan ka saara ama baneeya jagooyinka si  aay dad kale aay u helaan fursadda qaaliga ah ee wadanka dhibka looga bixin karo.

By. A. Abow