Dad Masaakiin ah oo aan Waxba Galabsan oo Lagu Laayey Duleedka Magaalada Muqdisho

0
74

Inta la xaqiijinayo Sagaal ruux oo u badnaa haween nadaafadda ka shaqeeya ayaa mar kaliya lagu dilay deegaanka Lafoole ee dulleedka magaalada Muqdisho.

Madaxa Arrimaha Bulshada deegaanka Lafoole Mukhtaar Geeysay ayaa sheegay in rag hubeean ay rasaas xoogan ku fureen dad u badnaa haween oo olole nadaafadeed ka waday deegaanka Lafoole ayna dileen 9-ruux.

Lama oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysa toogashada dadka ka shaqeeynayay nadaafadda, hasse ahaatee waxaa jira eedeymo hor ah oo loo jeedinayo Al-shabaab oo lagu eedeynayo in ay ka danbeeyeen weerarka lagu laayay dadka shacabka ah,

Hay’addaha Amaanka wali wax war kama aysan soo saarin weerarka la sheegay in lagu dilay dadka la sheegay in ay ku howlanaayeen nadaafadda.