Shir Madaxeedka Wadamada Carabta iyo Qaarada Yurub oo Maanta Ka Furmay Dalka Masar

0
79

Magalada Sharma El-Sheikh ee dalka Masar ayaa maanta waxaa ka furmay shir Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo ah kii ugu horeeyay oo ay dalkaasi ku yeeshaan.

Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxana sidoo kale ka qeyb galay 22 dal oo ka socda Wadamada Carabta 28 ka mid ah Midowga Yurub oo uu Ingiriiska ku jiro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka iyo Amniga, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Wadamada Midowga Yurub ayaa xilligaan waxa ay doonayaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Wadamada Carabta si loo xakameeyo qalalaasaha iyo degenaansho la,aanta ka jirta qaar ka mid ah wadamada carabta.