Warqad Furan oo ku socota Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Hadda Ayay Hiilo U Baahan Tahay KGS!

0
1016

Warqad Furan oo ku socota Xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Hadda Ayay Hiilo U Baahan Tahay KGS!
———————————————————-
Waxaan la wada soconaa isku dayada iyo falalka guracan ee Villa Somalia soo maleegeyso si masiirka iyo aayaha umadda degta KGS loogu gacan geliyo shakhsi ay soo adeegsadeen dad dana gaara leh. Soo ma nihin dad tashan kara oo go’aanka mustqablkooda iyo kan jiilasha soo koraaya ayaga go’aansan kara?

Maxaa anaga naga dhigay kuwo marwalba u nugul in duulaan bareer ah iyo mid siyaasadeed lanagu soo qaado?
Maxaan naf, waqti iyo maalba ugu soo hurnay halgankii RRA haddiiba maanta oo 2018 la joogo weli naloo daba taagan yahay hogaankaada anaa kuu dooraya, weliba mid aniga i hoos imaada ayaan kuu keenayaa waanan ku qasbayaa inaad aqbasho!

Waxaa Ilaah mahadiis ah haddiiba weli ay wax raja ah aan leenahay waayo maanta talada Koonfur Galbeed iyo aayaha Digil Iyo Mirifle waxay gacabtooda ku jirtaa xildhibaanada oo aan wada hubo heerka wadadaniyadoodu gaarsiisan tahay!

Xildhibaanada waxaan leeyahay waxaad noqon doontaa kuwo taariikhda ka gali doona baal mugdi ah ama baal dahab ah, hadba mida aad adinka doorataan labada baal midka ay gali doontaan!

Qofkii kugu soo duula ee raba inuu kaa dhigo ummad aan jirin oo tashan karin wax eed ah malahan haddiiba aad adiga ogolaato.

Beri waxa aan eedo doono maahan dadka nasoo maagay waxaan eedi doonaa dadkii aan amaanada u dhiibanay!

Qoraalkan ujeedadiisa mahan inaan ku taageero musharax gaar ah balse waxaan rabaa inaan afeef hore ah kusoo gudbiyo waayo hadhow ayaan rabaa inaan adkeysi dambe yeesho.

Xildhibaan, waxaan kugula dardarmaayaa musharaxiinta kusoo hor fariisan doona waa kala baratay waxa ay kala yihiin, taariikhda ay ku leeyihiin halgankii xoreynta Koonfur Galbeed, Waxaad hada kala ogaatay sida ay isula jiraan iyo dadka soo maalgashaday, waxaad ogaatay in weli laguu diidan yahay xitaa sunduuqaas in si xora oo cadaalad ah loogu kala baxo.

Xildhibaan waxaa ogaatay sababta ka dambeysa iyo danaha gaarka ee laga leeyahay in qarash fara badan lagu bixiyo shakhsiyaadka la wato.

Xildhibaan, waxaad maanta ogtahay musharxiinta muwaadiniinta dhabta ah ee si iskooda ah isu soo taagay oo ujeedkooda yahay sidii ay sharafteena iyo karaamadeena u difaaci lahaayeen.
Xildhibaan, waxaad haysataa fursaddii aad kaga farxin lahayd quluubta shacab duruufeysan oo laisku dayayo in lagu tunto xuquuqdooda.

Xildhibaan, dulucda iyo ujeedkeyga haddaan usii dhaadhaco waxaan Alle marqaati kaaga dhigay in codkaaga yahay amaano, dooro musharax aan la wadan, waayo midkaas ayaa gobonimadeena difaaci kara, midkaas ayaa ka farxin doona dhallinyarada halganka usoo maray inay difaacaan qaddiyadeena iyo sharafkeena.

Xildhibaan, si aan beri kuu eedin fariinteyda dhegaha u nuglee.

Waa mahadsan tihiin sidaa u dareenteen waxa ay dareemayaan shacabka Koonfur Galbeed. Xildhibaane, Codkaagu waa mustaqbalkeena!

 

QORAY OGQOONIYAAN KGS