Akhriso: Warsaxaafadeed Kasoo baxay Xafiiska Gudomiyaha Maxkamada sare ee Maamulka koonfur Galbeed

0
67

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay in qalabkii Maxkamadda Sare Koonfur Galbeed ay ku shaqeynaysay iyo Xafiisyadii Magaalada Baydhabo uu la wareegay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed.

Ku: Wasiirka Caddaaladda D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya Xasan Ibrahim Baydhabo

Ku: Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka

KU: Wasiirka Caddaaladda ee D/F/ ee Soomaaliya

Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jam.Fedraalka Soomaaliye M. Ibrahim Iidle. Muqdisho

Og: Madaxweynaha D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya M.Shariif Xasan Sheekh Baydhabo

Ujeedo: Wargelin

Dhammaan Mas’uuliyiinta ay warqadaan ku socoto waxaa lagu wargeliyaa in maalintii shalay ee Tr.aheyd 13/10/2017 ay dhacay arrin aad u fool xun oo uu sameeyey Wasiirka Caddaaladda ee D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya Xasan Ibraahim Xasan.

Wuxuu gebi ahaanba la wareegay dhismihii Xafiisyadii Maxkamadda Sare iyo kii Gobolka Bay ee D/G/K/Galbeed ee Soomaaliya.
Wuxuu ku Xareeyey hoolka Maxakadaha, dhammaan Agabkii Xafiisyada ee Maxkamadda Sare oo ay ku sugnaayeen Kaaliye iyo Garsoore joogay Faraca Xafiiska Baydhbo.
Wuxuu soo guuriyey Wasaaraddii Caddaaladda, isagoo soo dhex dejiyey Xaruntii Maxkamadda ee Baydhabo, Gaar ahaan Xafiisyada Maxkamadda Sare.

Hadaba iyadoo la dhowraayo Madax bannaanida Garsoorka, waxaa Wasiirka la farayaa

Inuu ka guuro Xarunta Maxkamadaha sida ugu Dhaqsiyaha Badan Mudo 72 saac Gudohooda.
Inuu ku soo celiyo Dhammaan Agabkii Xafiisyada ee uu Qaaday Halkii ay Markii Hore yaaleen.

Fg;Haddii aan loo hogaaansamin Amarka Markadda Sare waxaa ay qaadaneysaa Talaabadasharciga ee ku Haboon Ficilka uu wasiirka ku dhaqaaaqay

Sh..Axmed C/lahi Xuseen fanax

Gud.Maxkamadda Sare ee D.G.K.Galbeed ee Soomaaliya